Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

DHIIGBAXA SANKA (SANGOROR)

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Maxaa sabab u ah sangororka?

Ujeeddada sanka waa in uu kululeeyo oo uu qooyo hawada ay dadku neefsadaan. Sanka waxaa ku jira xididdo badan oo dhiig leh oo u dhow xuubka dusha sare oo waa meel dhaawacmi karta oo uu ku dhici karo dhiigbax. Dhiigbaxa sanka, wuxuu noqon karaa jahwareer iyo cabsi, oo naxdin ayuu keenaa. Inta badan guriga ayaa lagu daaweeyaa, laakiin marmar ayaa loo baahdaa daryeel kale.

Sababaha caadiga ah ee dhiigbaxa sanka waxaa ka mid ah:

  • Hawo qallalan, oo kulul, oo gudaha ah, ayaa engejisa xuubka sanka ayaa sababta in ay dillaacaan ama qolfo yeeshaan oo dhiigbax yimaado marka la xoqo ama la fiiqo ama marka diif la iska siiminayo (badanaa waa bilaha qaboobaha).
  • Hargab (caabuqa neefmareenka kore) iyo infakshanka gododka sanka, gaar ahaan qeybaha sababa soo-noqnoqoshaa hindhisada, qufaca, iyo diif in la iska siimiyo.
  • Diifka oo xoog la isaga keeno ama sanka oo farta la geliyo.
  • In wax xataxateeya la iska geliyo sanka gudihiisa.
  • Dhaawaca sanka iyo/ama wejiga.
  • Isticmaalka daawooyinka khafiifiya dhiigga (aasbiriin, daawooyinka isteeroyka ee ka hortagga bararka caabuqa, iyo kuwa kale).
  • Dhiigkarka
  • Burooyin ama cillado ah dhiigbax oo la iska dhaxlo (waa naadir).
  • Qalliinka sanka ama gododkiisa.

Sidee baa looga hortagi karaa sangororka?

Daaweynta ugu fiican ee sangororka waa in looga hortago talooyinka soo socda:

  • Farta ha gelin sanka.
  • Waa in aan wax adag ama fiiqan sanka la gelin.
  • Waa in uusan sanku qallalneyn.
  • Waa in guriga lagu isticmaalo mashiinka qiiqa hawada qooya, gaar ahaan qolka jiifka.
  • Waa in la isticmaalo goojada buufiska ahsi uusan sanku u engagin. Waraaq dhakhtar looma baahna ee waxaa laga soo iibsan karaa farmashiye kasta. Biyaha cusbada ah waxaa sanka lagu buufin karaa 4 ilaa 6 jeer maalintii.
  • Isticmaal boomaatada sanka, sida nooca cajinka ah Aquaphor®, ama Vaseline®. Hubso in aad si tartiib ah u marsato, oo dhaawac kale ha u geysan gudaha sanka.

Maxaan sameyn karaa haddii uu sangoror ku dhaco ilmaha?

Raac tillaabooyinka soo socda si aad uga joojiso sangororka:

  • Waa in ilmuhu ku fariisto kursi dhabarka u celiya, oo uu xoogaa ama wax yar kor eego (cirka yuusan toos u eegin).
  • Waa in la isticmaalo xaashi ama maro qoyan si loogu qabto dhiigga.
  • Waa in suulka iyo farta murgisada ah si fiican la iskula qabto qeybta jilicsan ee sanka ilmaha ee ka hooseeya carjawda sanka. In la isku dhejiyo sanka ama qeybta lafta ka sarreysa ma laha wax waxtar ah.
  • Suulka iyo farta murgisada ah ku sii hay sanka ugu yaraan 10 daqiiqo (oo u eeg saacad) ka hor intaanad hubin in dhiigbaxu ka joogsaday. Haddii sangororku weli socdo, ku sii wad qabashada sanka 10 ilaa 20 daqiiqo oo kale.
  • Waxaad dhinaca sangororka ku buufin kartaa daawada la iska soo iibsad ee cabburka, (sida Afrin®, Neo-Synephrine®, ama kuwa kale) oo ka dibna cadaadis ku samee sanka sida kor ku qoran. DIGNIIN: Daawooyinka buufisyada ah ee la iska soo iibsado waa in aan muddo dheer la isticmaalin.
  • Mar hadduu sangororku istaago, waa inuusan ilmuhu foorarsan; yuusan taahin iyo/ama qaado wax culus; oo waa inuusan duufsan, xoqin, ama taaban sanka ilaa dhowr maalmood.

Sidee baa loo daaweyn karaa sangororka?

Daaweyntu, waa wax ku xiran sababta, oo waxaa ka mid noqon kara:

  • Gubid – isticmaalid ah walxo k iimiko ah (curiyaha naaytreyt) ama kuleylka korontada (koronto-gubid) si loo xidho xididdada dhiigga ee dhiigbaxaya. Sida caadiga ah waa wax lagu sameeyo qolka qalliinka, inkastoo qaar ka mid ah carruurta waaweyn iyo dhallinta laga yaabo in ay u dulqaadan karaan gubista kiimikada ah ee kilinigga iyada oo la kabuubyeynayi qeybta la gubayo.
  • Gufeynta sanka – gelinta sanka ee faashad ama qalab kale oo caafimaad oo lagu joojinayo dhiigbaxa iyo si uu dhiiggu u xinjiroobo.
  • In ilmaha loo gudbiyo dhakhtarka dhiigga – si loo baaro oo looga daweeyo cilladda dhiigbaxa ah.

Goormaan la xiriirayaa dhakhtarka?

Daryeel caafimaad u raadso dhakhtar ama imarjansada haddii:

  • Aad joojin weydo dhiigbaxa ka dib in ka badan 20 ilaa 30 daqiiqo markaad cadaadis toos ah ku hayso.
  • Ilmuhu si joogto ah ula kulmo dhiigbax soo noqnoqda.
  • Dhiigbax uu sababay dhaawac ah sanka ama wejiga.

Su'aalo?

Waraaqdan gaar kuma aha ilmahaaga oo keliya ee waa macluumaad guud ahaaneed. Haddii aad noo qabto wax su'aalo ah, fadlan taleefan kula xiriir kilinigga.

Wakhtigii Qoraalkan 12/2022

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota