Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Urinary Tract Infection (UTI) (Somali)

Urinary Tract Infection (Infakshanka Kaadimareenka): Sida Loo Daaweynayo Carruurta

Urinary tract infection (infakshanka kaadimareenka ama UTIs) waxaa sababa bakteeriyo (jeermis) dhex gala kaadihaysta ama kelyaha. Waxa ay keentaa qandho, xanuun marka la kaadinayo, kaadi ur badan, inuu qofku u baahdo in uu badanaa soo kaadiyo, inay kaadidu musqusha uga fakato, xanuun ka qabta caloosha ama dhabarka, iyo dhibaatooyin kale. Qaadashada antibiyootigga ayaa ka dileysa jeermiska oo ilmuhu waa uu bogsan doonaa. Si ay antibiyootiggu ugu shaqeyso, waa in ilmuhu daawada u dhammeysto sida loogu qoray — xataa ka dib marka uu ilmuhu xanuunkii ka fiicnaado.

Tilmaamaha Daryeelka:

  • Waa in ilmaha la siiyo cabitaan badan oo uu cabbo. Iska ilaali cabbitaanka leh kafaa'iinka sababtoo ah waxa ay dhib ku yihiin kaadihaysta.
  • Iska hubso in uu ilmuhu antibiyootigga u dhammeysto sidii loogu qoray. Waxa uu ilmuhu ku fiicnaan doonaa ilaa 2 maalmood, balse waa in uu daawada sii qaato si uu uga ladnaado xanuunkii yahay.
  • Haddii ay ilmaha hayso qandho daran, ha siin aasbiriin. Beddel ahaan:
    • Waxaad u siin kartaa acetaminophen (sida Tylenol® ama daawo la mid ah).
    • Dhakhtarka weydii haddii ay OKEEY tahay in la siiyo ibuprofen (sida Advil®, Motrin®, ama daawo la mid ah).
  • Waa in uu ilmuhu nasto.
  • U qabo ballamaha lagula soconayo ee uu dhakhtarku kugula taliyo.

Taleefan u dir Dhakhtarka ilmaha haddii...

Haddii ilmuhu:

  • qaadan waayo daawada loo qoray
  • bilaabo in uu matago
  • u muuqdo in uu kaadida ceshanayo
  • ka istaagto caloosha
  • cabbi waayo wixii aad siineyso
  • qarqaro oo gariirayo
  • qabo qandho ama calaamado kale oo ah UTI ka dib 2 maalmood antibiyootigga
  • caloosha aad u xanuunto
  • qabo xanuun ah dhinac ama dhabarka hoose

Imarjansada ama ER u gee...

Haddii ilmuhu:

  • si aad ah u xanuunsado
  • yeesho mid ka mid ah calaamadaha soo socda ee ah fuuqbaxa:
    • afku qallalo ama dhegdheg noqdo
    • kaadidu ka yaraato
    • ilmeyn waayo markuu ooyo
    • Wareerayo
    • Dawakhaayo

Waxyaabaha soo socda Ogow

Sidee buu dhakhtarku ku ogaanayaa UTIs? UTIs siyaabo badan ayaa lagu ogaan karaa oo waxay ku xiran tahay da'da ilmaha. Nuunnuhu wuxuu yeelan karaa qandho, matag, ama oohin. Carruurta socodka baraneysa waxay yeelan karaan qandho, xanuun qabta marka ay kaadinayaan, caloosha hoose oo xanuunta, ama in ay kaadi qabato marar badan. Carruurta musqusha geli karta kaadida ayaa si degdeg ah uga fakata markay qabaan UTI.

Si loo ogaado UTI, dhakhtarku waa in uu su'aalo kaa weydiiyo waxa jira, oo uu sameeyo baaritaan, oo waa in la qaado saami kaadi ah oo la soo baari doono.

Sidee baa looga hortegi karaa UTIs? Waxyaabaha soo socda ayaa looga hortagi karaa infakshanka cusub:

  • Musqusha marka la isticmaalo ka dib, bakteeriyo ku jirta saxarada ayaa kaadimareenka geli karta (tuubada kaadida) oo markay gaarto kaadihaysta ayey infakshanka keeneysaa. Haddaba waa in gabdhaha la baro in ay xaashiyaha isagu masaxaan dhinaca dambe.
  • La soco inta jeer ee ay ilmuhu musqusha u galaan kaadi ama saxaro. Kaadida oo la isku celiyo ama marka calooshu istaagto (ama ay saxaradu adag tahay oo aysan soo baxayn) waxay keeni karaan in ay UTI ilmaha ku dhacdo.
  • In la iska ilaaliyo baafka qubeyska in lagu seexdo iyo waxa carfa oo dhibaato u keeni kara kaadimareenka.

KidsHealth content 9/2023

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota