Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Croup (Somali)

Qufaca Culus: Sida Loo Daaweynayo Carruurta

Carruurta qufaca culus waxaa haya faayrus barar gelinaya hawamareenkooda. Qufacoodu waa mid culus oo saameeya codkooda, qaarkood ayaa u qufaca si dhawaaq dheer, shanqar weyn oo leh qeylo marka ay ordaan ama ooyaan. Badanaa carruurta qufaca culus waxa ay ka fiicnaadaan ilaa iyo hal toddobaad. Waa inaad raacdo tilmaamaha hoos ku qoran si uu u ilmuhu kuugu roonaado.

  • Isku day inaad sabaaliso ilmaha. Oohintu qufaca culus ayey uga sii dari kartaa.
  • Haddii ilmuhu aad u qufacayo, waxyaabaha soo socda ayaa caawin kara:
    • Baafka qubeyska ku fur biyo kulul ilaa musqushu yeelato uumi badan. Markaas ka dib ilmuhu ha ku dhex neefsado uumigaas. (Ha dhex gelin ilmaha biyo qubeys ah oo kulul.)
    • Haddii cimiladu qabow tahay, u fur daaqad ama albaab oo ilmuhu ha ku neefsado hawada qabow ee bannaanka.
  • Isku day in aad u daarto mashiinka hawada qooya, gaar ahaan marka ilmuhu seexdo. Nadiifi mashiinka mar kasta oo aad isticmaasho ka dib. Biyaha tuubada waxaa ku dhex jirta macdan. Markay kuu suurtowdo, isticmaal biyo la soo miiray ama nadiifi mashiinka hawada qooya. Raac talooyinka qalabka warshadda si aad sida tilmaamaha ugu raacdo si fiican.
  • Waa inaad ilmaha siiso cabitaan aad u badan. Haddaad rabto, marar badan ayaad cabitaan ku siin kartaa qaaddo ama caagga goojada.
  • Qandhadu waa ay uga ka sii dari kartaa ilmaha. Haddii ilmuhu qandhado, ha siin aasbiriin. Haddii dhakhtarku yiraahdo waa OKEEY, daawooyinka loo soo qoray u sii sida saxda ah:
    • acetaminophen (sida Tylenol® ama daawo la mid ah) AMA
    • ibuprofen (sida Advil®, Motrin®, ama daawo la mid ah). Ha siin nuunnaha ka yar 6 bilood.
  • Marna ha siin daawooyin ah qufac ama hargabka ee carruurta ka yar 6 jirka. Daawooyinkaas dhibaato ayey ku keeni karaan ilmaha.
  • Marna ha u oggolaan in uu qof sigaar ku cabbo agagaarka ilmahaaga. Qiiqa sigaarka ilmaha ku dhawaada waxaa ku dhaca qufac iyo infakshanka sambabka.
  • Waxa uu ilmuhu iskuul ama xannaano ku noqon karaa marka aysan qandho qaban ugu yaraan ka dib 24 saac iyo ugu yaraan 3 maalmood ilaa markii uu xanuunku ku bilowday.

Haddii ilmuhu:

  • qabo qufac badan oo daran
  • qabo qufaca culus hal toddobaad ka dib
  • yeesho qandho cusub ama badan
  • waxba cuneyn ama uusan waxba cabbeyn
  • u muuqdo inuu fuuqbaxay; calaamadaha waxaa ka mid ah dawakhaad, af qallalan ama isku dhegaya, il go'an, oohin ilmadeedu yar tahay ama aan ilmo lahayn, ama kaadi yaraan

Haddii ilmuhu:

  • dhib ku qabo neefta oo qabaneysa
  • quficiisu aad u sharqamayo (sharqar ah marka uu neefsanayo) oo ka sii dareysa ama ku dhaceysa marka uu fadhiyo, nasanayo, ama hurdo
  • leeyahay dhareer badan
  • gudaha gelinayo qoorta iyo murqaha xabadka marka uu neefsanayo

Garaac 911 haddii uusan ilmuhu neefsan karin, sida markuu hadlayo ama soconayo, ama uu buluug noqdo.

Qufaca culus dadka miyaa la qaadsiin karaa? Faayrusyada keena qufaca culus waa kuwa la qaadsiin karo dadka kale. Si looga hortago faafitaanka faayruska:

  • Ilmuhu ha ku qufacaan oo ku hindhisaan xaashi ama dharkooda (oo yeysan isticmaalin gacmaha).
  • Qoyska oo dhan gacmaha si fiican u dhaqdaan oo ha isticmaalaan saabuun iyo biyo. Gacmaha oo ay xoqaan ugu yaraan 20 ilbiriqsi, biya raaciyaan, oo si fiican u qallajiyaan. Gaar ahaan marka ay qufacaan ama hindhisaan ka dib iyo ka hor intaysan wax cunin ama markay cunto diyaarinayaan. Haddii aan la haysan biyo iyo saabuun, waa in gacmaha la marsado jeermisdile ay ku jirto aalkolo ah 60% ugu yaraan.
  • Waa in faayruska laga dilo miisaska, birta la qabto albaabbada, iyo meelaha kale oo dhan.

Sidee baa qufaca culus loo daaweynayaa? Badanaa carruurta qabta qufaca culus waxaa lagula taacaali karaa guriga iyadoo loo shidato mashiinka hawada qooya ama hawo qabow iyo cabitaan badan. Carruurta qaarkood waxay u baahan yihiin daawo ka yareysa bararka hawamareenka. Carruurta qabta qufaca culus marka ay nasanayaan ama marka ay dhib ku qabaan neefsashada waxa ay u baahan yihiin daaweyn ah neefsashada oo lagu siiyo isbitaalka. Antibiyootiggu ma caawiyo qufacan sababtoo ah faayrus ayaa keena, ma aha bakteeriyo.

Miyuu ilmaha mar kale ku dhici karaa qufaca culus? Carruurta qaarkood ayuu qufaca culus ku dhacaa marar badan. Haddii uu ku soo noqnoqdo, dhakhtar ayaa ka daaweyn kara. Mararka qaarkood ilmaha uu marar badan ku dhaco qufacan waa in loo gudbiyo dhakhtar takhasus ah 'dhegaha sanka iyo cunaha' (oo loo soo gaabiyo dhakhtarka ENT).

KidsHealth content 9/2023

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota