Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Bulb Syringe, How to Use (Somali)

Sida loo Isticmaalo Caagga Nadiifinta Sanka

Markuu cabburan ahay sanka nuunnaha, isticmaal caagga nadiifinta sanka oo uga soo saar xabka si ay ugu fududaato inuu neefsado oo wax cuno.

Goorta la Isticmaalayo caagga nadiifinta sanka:

  • Sanku marka uu cabburo hargab awgiis: Sanka uga nadiifi ka hor inta aadan cunto siin. Markaas ayey nuunnaha u fududaaneysaa in la nuujiyo ama masaasad caano lagu siiyo.
  • Caanaha hooyada ama kuwa loo qaso ee ku soo noqda sanka qeybtiisa kore: Caanaha ka jooji oo uga nadiifi caagga sanka. Marka aad caano siineyso nuunnaha, soo dhaweyso caagga nadiifinta sanka.
  • Si uusan sanka ilmaha uga xoqin, ha isticmaalin caagga nadiifinta sanka in ka badan 3 jeer maalintii.

Sida loo isticmaalo caagga nadiifinta sanka:

1. Waa in nuunnaha dhabarka loo jiifiyo.

2. Eeg sanka nuunnaha gudihiisa:

  • Haddii aad ku aragto xab weyn, ku shub hal ama laba dhibcood oo ah dareeraha (la midka ah cusbada) duleellada sanka.
  • Haddii aad ku aragto xab yar oo kala fogfog, uma baahnid dareeraha cusbada ah.

3. Caagga nadiifinta sanka tuuji si aad hawada uga saarto. Adigoo tuujinaya caagga nadiifinta sanka, si tartiib ah u geli duleellada sanka nuunnaha.

4. Si aayar ah ugu sii dhex daa sanka gudihiisa. Markuu caaggu kala baxo, waxaa dhex geli doona xabka ama dareeraha sanka nuunnaha.

5. Caagga ka soo saar sanka nuunnaha, kor u jeedi caaraddiisa, oo si fiican ugu dhex tuuji xabka ku dhex jira caagga si aad uga faaruqiso.

6. Laga bilaabo tallaabada 2 ku samee duleelka kale ee sanka.

Si aad u nadiifiso caagga nadiifinta sanka:

1. Ku dhex tuuji biyo qabow oo saabuun leh gudahood, oo si fiican ugu dhex tuuji dhowr jeer.

2. Si fiican u biyaraaci adigoo isticmaalaya biyo nadiif ah, ku dhex tuuji dhowr jeer.

3. Mar kale tuuji si aad uga soo saarto wixii biyo ah oo ku dhex hara oo ha kuu qallalo.

4. Haddii aad isticmaasho goojo aad ku buufiso sanka, sidaas oo kale u nadiifi.

Taleefan u dir dhakhtarka ilmaha...

  • Haddii nuunnuhu qufacayo ama uu si degdeg ah u neefsanayo.
  • Nuunnuhu hadduu dhib ku qabo in la quudiyo.
  • Markaad ka welwesho inta jeer ee ay caanuhu ka soo noqonayaan nuunnaha afkiisa.

Imarjansada ama ER u gee...

  • Haddii nuunnuhu u muuqdo in uu dhib ku qabo neefsashada.

Maxaa sanka nuunnaha loogu shubayaa dareeraha cusbada la midka ah? Xabka weyn si fudud uma dhex geli karo caagga nadiifinta sanka. Dhibcaha ah dareeraha (cusbada lamidka ah) ee lagu shubayo sanka nuunnaha waxay kala goynayaan xabka. Waxaad dareeraha ka soo iibsan kartaa farmashiye iyo dukaamada cuntada badankooda. Ama sida aad u sameysan karto waa adigoo isku qasa ½ qaado yar oo ah milix (nooca aan lahayn ayoodhiinta) 1 koob (8 oonsi) oo ah biyo aad karkarisay. Iska hubso in uu dareeruhu kuu qaboobo ka hor intaadan ku shubin sanka nuunnaha. Gasho qaboojiyaha cuntada ilaa iyo 24 saac. Sameyso dareere cusub maalin kasta.

KidsHealth content 9/2023

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota