Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

NADIIFINTA SANKA GUDIHIISA

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Waa maxay sababta goojo cusbo gaar ah sanka loogu nadiifinayo?

  • Marka sanka lagu dhaqo biyo cusbo gaar ah (seyliin, lafaay, ama biyo badan), waxa ay sanka u fureysaa oo ay si fiican uga soo saareysaa xab adag oo weyn ama engegan. 
  • Waxay caawineysaa shaqada xaadda sanka oo qashinka ka celisa sanka godadkiis. Xaadda waa mid u eg timaha oo sanka gudihiisa iyo gododkiisa ayey ku dhex taallaa.
  • Waxay sanka ka difaacdaa caabuqa iyo inuu yaraado xabka sanka ee u gudba cunaha.
  • Waxay sanka ku caawisaa shaqadiisa iyo in uusan xuubka sanku noqon mid engagan.

Halkee baa laga heli karaa cusbada gaarka ah ee sanka?

Waxaad cusbada gaarka ah ka soo iibsan kartaa farmashiye kasta ama adiga ayaa sameysan kara:

Sidaad u sameysaneyso cusbada gaarka ah:

  1. Qiyaastii 1 koob (237 ml) oo ah biyo nadiifa oo la iibsado ku shubo weel nadiif ah. Haddii aad isticmaaso biyaha tuubbada, karkari marka hore si aad u nadiifiso oo ha kuu qaboobaan ilaa ay noqdaan heer aan kululeyn/heerkulka guriga.
  2. Biyaha ku darso ½ qaado-shaaha (2.5 g) oo ah cusboo qasacadeysan oo la soo iibsado oo la yiraahdo bikalin.
  3. Ku darso ½ qaaddo-shaah (2.5 g) oo ah budada wax lagu dubto.

*Waxaad guriga dhigan kartaa cusbada aad sameysato heerkul caadi ah ilaa 3 beri.

Sidee baan ilmahayga baarista ugu soo diyaarinayaa?

  1. Isticmaal erayo fudud si aad habka ugu sheegto ilmaha fahmaya. U sheeg habka aad raaceyso ka hor inta aadan ku shubin.
  2. Carruurta yaryar, waxaa inta badan u fiican in lagu bilaabo goojada buufiska sanka si ay ula qabsadaan daaweynta sanka gudihiisa iyo dareenka daawada (buufinta goojada cusbada ah waa qoyaan sanka lagu dareemayo. Caadi ahaan kuma filna in lagu daaweeyo sanka aadka u cabbursan ama dheecaanka leh).
  3. Marka ilmuhu la qabsado buufinta goojada, ku bilow biya-raacinta sanka oo buuxda.
  4. Biya-raacinta cusbada waxaa lagu dareemayaa gubasho dhowrka jeer ee ugu horreeya. Carruurta badankoodu dhowr jeer ka dib ayey la qabsanayaan
    biya-raacinta.

Sidee baa loo sameeyaa?

  1. Gacmahaaga ku dhaqo saabuun iyo biyo ugu yaraan 30 ilbiriqsi, oo si fiican isugu xoq dhinac kasta, ama isticmaal gacma-nadiifiyaha aalkolada ah.
  2. Saliinge soo qaado, ku shubo cusbada, oo ku soo dhuuq, ama baaf ka buuxso cusbada kuugu diyaarsan nadiifinta sanka.
  3. Waasgada faraxalka keenso ilmaha oo saliingaha u geli sanka gudihiisa oo si tartiib ah ugu tuuji (ha ka xirin sanka kale).
  4. Toos ugu nadiifi qulqulka cusbada xagga hoose ee sanka gudihiisa, kor ha u jeedin.
  5. Cusbadu waa inay soo marto sanka oo ka soo baxdo afka ama duleelka kale ee sanka.
  6. Si tartiib ah sanka ha ugu shub cusbada oo ka dibna ka biyo-raaci milixdu.
  7. Nadiifi saliingaha ama dhalada markaad isticmaasho ka dib.

Tusaaleyaal/talooyin kale:

  • Ka biya-raaci cusbada ka hor intaadan ilmaha siin dawooyinka kale ee sanka. Biya-raacinta waxay sanka iyo gododkiisa ku caawineysaa nadiifinta daaw(ooyinka).

Su'aalo?

Wakhtigii Qoraalkan ENT 12/2022

 

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota