Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Daawada indhaha ee dhibcaha ah

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Sidee ayaan cunuggeyga ugu diyaariyaa daawada?

  • Inta aadan bilaabin u sharax ilmahaaga waxa aad samayn doontid.
  • U sharax /caddee ilmaha waxa aad samaynaysid sida adigoo tusaya.
  • Ula hadal si qabow ilmaha.
  • U hambalyee ilmahaaga marka aad dhamaysid.

Sidee ayaan ugu shubaa daawada dhibcaha ah?

Caruurta qaarkood, gaar ahaan kuwa yar-yar, way adag tahay in la siiyo daawadan.  Laakiin waa inaad siisaa, oo mudada loogu talagalay ku siisaa si loo helo caafimaadkii laga rabay inay keento.

  1. Daawadu hadii ay qabowdahay, dawada geli jeebkaaga si kuleelkeedu ula mid noqdo kan jirka qofka.
  2. U dhaq gacmahaaga sii fiican ka hor markaad dawada ku shubaysid iyo ka dib marka aad ku shubtidba.
  3. U akhri warqada ku dhegen daawada si taxadar leh, tixraacna sida loogu talagalay in loo siiyo cunuga.
  4. Haddii ay leeyihiin cunuga indhihiisu dheecaan ama xafajo, ka tirtir adigoo ka soo bilaabaya gudaha una soo marinaya dhinaca banaanka isticmaal suuf nadiif ah iyo biyo. Haddii ay tahay in labada indhoodba la daaweeyo, markaad nadiifinaysid isticmaal laba suuf oo kala duwan ishiiba mid gaar ah.
  5. U seexi ilmaha dhabar dhabar.
  6. Haddi aadan celin karin ilmaha keligaa, raadso qof kula caawiya ilmaha ama waxaad isticmaali kartaa buste kuu celiya.  Haddii aad keligaa tahay isticmaal habkan kale:
    • Fadhiiso dhulka ama sariirta dusheeda, seexi ilmaha gacmihiisana geli lugahaaga hoostooda, madaxiisan soo geli bowdyahaaga dhexdooda.
    • Lugahaaga ku celi ilamaha lugihiisa haddii aad u baahato.
  7. Haddii ay suurtogal tahay ha fiiriyo ilmahaagu kor.
  8. Gacmahaaga midood, si tartiib ah hoos ugu jiid baalka hoos ee isha si ay ugu samayso god.
  9. Ku celi gacantaada kale cunuga fooda hore madaxiisa, kana fogee qiyaastii hal inji dawada insha aad ku shubaysid.
  10. Ku shub isha meesheeda hoose inta dhibcood ee dhakhtarku u qoray in lagu shubo, ha ku shubin isha meesha madaw.  Ha taabsiin dhalada dawada afkeeda isha cunuga.
  11. Way adkaan kartaa in la furo baalasha indhaha dhalaanka iyo caruurta yar yar.  Haday sidaas tahay ku shub dhibic daawo ah gudaha isha geeskeeda.  Markuu cunugu indhaha kala furo, daawadu gudaha isha ayey ku dareeraysaa.
  12. Haddii ay suurtogal tahay ha xiro ilmahu  indhihiisa muddo ah 1 ama 2ba daqiiqo hana u dhaqaajiyo isha dhinac kasta iyadoo daboolan.  Si aad uga hor tagto in dawadu ay gasho sanka ama dhuunta taasoo keeni karta ur xun, si taxadar leh ugu shub koonaha ama geeska qaybta hoose ee isha.

Maxaan kale oon u baahanahay?

Dhig dawada dhibcaha ah meel heerkulkeedu la mid yahay ka guriga, ama dhig meeshii laguu sheegay.

Qaar ka mid ah dawada dhibcaha ah ee indhaha way gubaan isha haddii ay ishu aad u xanuunsan tahay.  Gubashadani qiyaastii hal daqiiqo, waxayna ku baaba’adaa hadba sida ay ishu u soo roonaato.

Su’aalo?

Warqadaani gaar uma aha ilmahaaga, laakiin waa warbixin guud.  Haddii aad qabtid wax su’aal ah, fadlan wac bukaan – socod eegtadaada (clinic).

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota