Patient & Family Education Materials

Start over with a New Search

Daawada dhegta ee dhibcaha ah

Article Translations: (English) (Spanish) (Hmong)

Sidee ayaan cunuggeyga ugu diyaariyaa?

  • Inta aadan bilaabin u sharax cunugaaga waxa aad samayn doontid.
  • U sheeg cunuga waxa aad samaynaysid marka aad samaynaysid.
  • Ula hadal si qabow adiga oo qancinaya.
  • Ammaan cunugaaga marka aad dhamaysid.

Sidee ayaan ugu dhibciyaa daawada dhegta?

Caruurta qaarkood, gaar ahaan kuwa yar-yar, way adag tahay in la siiyo daawadan.  Laakiin waa inaad siisaa, oo mudada loogu talagalay ku siisaa si loo helo caafimaadkii laga rabay inay keento.

  1. Daawadu hadii ay qabowdahay, dawada geli jeebkaaga si kuleelkeedu ula mid noqdo kan jirka qofka.
  2. U dhaq gacmahaaga sii fiican ka hor inta aadan daawada siin iyo kadiba.
  3. Si tartiib ah u akhri warqada daawada ku dhagan iyo tilmaamaheedaba.
  4. U seexi cunugaaga dhabar dhabar.
  5. Haddi aadan qaban karin cunuga keligaa, raadso qof kuu qabta cunuga ama buste ku duub cunuga si usan u dhaqdhaqaaqin. Haddii aad keligaa tahay isticmaal habkaan oo kale:
    • Fadhiiso dhulka ama sariirta dusheeda, seexi cunuga gacmihiisana geli lugahaaga hoostooda, madaxiisan soo geli bowdyahaaga dhexdooda.
    • Lugahaaga ku celi cunuga lugihiisa haddii aad u baahato ama uu lugaha ku rafto.
  6. Madaxiisa leexi si ay dhegta jiran kor u jirto.
  7. Sida soo socota u toosi duleelka dhegta.

    • Ilmaha sadexda sano ka yar, si tartiib ah dhegtiisa hoos ugu jiid xaga madaxiisa ee gadaale.
    • Ilmaha sadexda sano ka wayn, si tartiib ah dhegtiisa kor u jiid xaga madaxiisa ee gadaale.
  8. Ku dhibci inta dhibcood oo dhegta loo qoray, adiga oo ka ilaalinaya dhegta duleelkeeda dhexe.
  9. Hal ama labo daqiiqo ilmahaagu ha u jiifo iyadoo dhegta daawada lagu dhibciyay kor jirto ama sida dhakhtarku ku yiri samee.  Si tartiib ah u salaax dhegta horteeda.
  10. Si aan daawadu uga soo daadan suuf geli dhegta.

Maxaan kale oon u baahanahay inaan ogaado?

Hawada qolka ku kaydi daawada dhibcaha  dhegta haddii aan meel kale dhig lagu oran.

Su’aalo?

Warqadaani gaar uma aha ilmahaaga, laakiin waa warbixin guud.  Haddii aad qabtid wax su’aal ah, fadlan wac bukaan – socod eegtada.

Back To Top

This page is not specific to your child, but provides general information on the topic above. If you have any questions, please call your clinic. For more reading material about this and other health topics, please call or visit Children's Minnesota Family Resource Center library, or visit www.childrensmn.org/educationmaterials.

© 2024 Children's Minnesota