COVID-19 awgiis, isbitaalka Children’s Minnesota waxa uu wax ka beddelay saacadaha iyo hawlaha caafimaadka ee kilinigyada daaweynta guud. Kiliniggaaga kala soco macluumaadka ugu dambeeya »

TRANSLATIONS: English | Hmong | Spanish

Wax kasta oo aan sameyno waxaa ugu muhiimsan in waalidka lagu caawiyo farxadda iyo caafimaadka ilmaha

9 kilinig oo ah daaweynta guud ee carruurta ayaa noogu yaalla meelo ku habboon Magaalooyinka Mataanaha ah iyo nawaaxigooda si ay qoysasku daryeelka ugu fiican uga helaan meelo guryahooda ku dhow.

Eeg liiska isbitaallada oo dhan »

RAADSO DHAKHTARKA CARRUURTA

Daryeelka muhiimka ah ee ilmaha loo hayo waxaa ka mid ah:

Maaddaama ay kilinigyadeenna daaweynta guud ee carruurta yihiin kuwa ugu badan ee Mareykanka oo dhan ee daaweeya carruurta, waxa kale oo aan haynaa adeegyo kale oo badan oo kala duwan oo aan ku hayno 7 goobood oo ah baxnaanin, 9 xarumood oo ah takhasus kala duwan iyo 2 isbitaal oo 24/7 laga helo daryeelka xaaladaha degdegga ah laguna daaweeyo xanuunnada iyo dhaawacyada ugu dhibka badan.

Waxyaabaha nala ku yaqaan?

Caafimaadka guud ee qoyska oo dhan ayaan ka dhignaa mudnaanta koowaad, taas oo macnaheedu yahay inaan si kasta raacno heerar xifadleyaal oo kala ah daryeelka caafimaadka carruurta.

Waxaan la shaqeynaa waalidka, annagoo ku dedaaleyna caafimaadka ilmaha, dhib la’aan iyo badqabidda iyadoo aan hayno waxyaabo iyo macluumaadyo lagu hagaajin karo fayoobida qoyska oo dhan. Ujeedddada aan ilmaha yaryar ugu hayno daryeel uu heerkiisu aad u sarreeyo »

Halkan wax kuugu qoran oo keliya qaar ka mid ah barnaamijyada iyo waxqabadka isbitaalka Children’s Minnesota ka dhigaya mid aad u fiican:

Daryeelka-guud ee ilmaha

Daryeelka caafimaadka guud ee ilmaha — maskaxdooda, jirkooda iyo ruuxdooda — waa qeybo ka mid ah sababta uu Children’s Minnesota u yahay isbitaalka carruurta kan ugu fiican. Barnaamij isku-dhafan oo ah caafimaadqab maskaxeed oo loo hayo carruurta, iyo weliba in daryeelkaas laga heli karo isla kilinigga daaweynta guud.

Waalidka oo lagu caawiyo maareynta habdhaqanka caamka ah ee ilamaha

Hadday noqon lahayd xanaaq uu boodboodid weheliyo iyo khalkhalka walaalaha ay dirir dhex marto, habka Behavior Checker® oo ah barbaarinta ilmaha oo laga heli karo intarnetka ayaa lagu ogaadaa siyaabo fiican oo lagu xalliyo habdhaqanka caamka ah.

Ka-hortegidda iyo daaweynta xanuunka

Waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo macquul ah si aysan ilmuhu cirbadaha ugala kulmin cabsi iyo xanuun. Ballanqaadka Xanuun La’aanta ee Children’s waa afar wax oo cirbadaha ka dhigi doona wax ay cabsidoodu ku yar tahay ilmaha da’ kasta.

Dhallaanka oo maskax ahaan loo kobciyo sida ugu fiican

Ma ogtahay in ay maskaxda carruurta kobocdo boqolkiiba 80 ka hor inteysan ilmuhu gaarin 3 jir? Waxaan wada shaqeynaa barnaamijka Little Moments Count si naloo ka helo qoraallo waalid sameeyey oo ay la socdaan talooyin iyo waxyaabo kale oo u fiican ilmaha.

Dhallaanka in goor hore la baro buugta iyo waxbarashada

Isbitaalka Children’s Minnesota wuxuu qeyb ka yahay Reach Out and Read® , oo ah barnaamij gacan ka geysta in kilinigyadu bixiyaan buug bilaash ah oo da’ ahaan ku habboon ilmaha oo ay siiyaan ilmaha ka weyn lix bilood ilaa shan sano markay u yimaadaan wiisiteyn ah koridda. Dhakhtar Gigi Chawla, oo ka shaqeeya Children’s Minnesota, ayaa ah agaasimaha caafimaadka ee Reach Out and Read Minnesota.

Qoysaska in lagu xiro macluumaadka laga helo bulshada

Barnaamijka Isku-xirka Bulshada (Community Connect) ayaa qoysaska ku caawiya adeegyada dadweynaha ee la hayo ee ah daruuriga sida guriyeynta, gaadiid-helid, cunto iyo shaqo-helid.

Waxaan ognahay waalidnimadu in ay tahay hawl aan joogsaneyn. Sababtaas awgeed waxaa naga go’an inaan fududeyno hawhsaas annagoo hayna adeegyo ku habboon sida:

Ballamo wakhtiyo kala duwan oo waalidka ku habboon

Marka ilmahaagu xanuunsan yahay, ma dooneysid in aad muddo sugto dhakhtarka aad la kulmeysid. Sababtaas awgeed waxaan kuu haynaa:

  • Maalin kasta ballan diyaar ah: 9-ka kilinig ee daaweynta guud oo dhan ayaa ballan u heli kara ilmaha xanuunsan.
  • Iska imow ballan la’aan: Kilinigyada qaar ayaa ballan la’aan la isaga imaan karaa xanuunnada yaryar. Ballan looma baahna! Goobaha la iska yimaado ballan-la’aanta »
  • Sabtiga, Axadda iyo saacado fiidkii ah: Kilinigyo badan ayaa la imaan karaa saacadaha aan la shaqeyn ka dib.
  • Ballamaha fiidiyowga: Kilinigyada oo dhan waxay hayaan ballamo fiidiyow ah oo si toos ah ayaad ula soo xiriireysaa adigoo gurigaaga jooga. Macluumaadka ballamaha fiidiyowga »
  • Leyn kalkaaliso 24/7: Kilinigga aad la xiriirto la soo hadal si aad kalkaaliso uga hesho talo habeen iyo maalin. Kalkaalisada ayaa kuu haysa talo si aad u go’aansato haddii ilmahaagu dhakhtar u baahan yahay ama sida aad guriga ugu daryeeli karto.

Adeegga turjubaanka


Waxaan bukaanka u haynaa turjubaanno.
Faahfaahinta adeegga turjubaanka waxaad kala soo xiriiri kartaa (612) 813-7600 si aad u codsato turjubaan.

RAADSO DHAKHTARKA CARRUURTA

Waxaa muhiim noo ah dhowridda xogaha qoysaska iyo hubinta in la dareemo ixtiraamid iyo dhib la’aan booqasho kasta oo lagu yimaado kilinigyada iyo isbitaallada. Hel macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan: